Saraakiil iyo Ciidamo ku qul qulaya Maxaas iyo Abaabul dagaal oo halkaasi ka socda

by admin | Saturday, Sep 2, 2023 | 78 views

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo abaabul xooggan oo dagaal, kaa oo ay wadaan ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka .

Ciidamo aad u tiro badan iyo saraakiil milatari ayaa gaaray maalmihii lasoo dhaafay degmada Maxaas, waxaa sidoo kale magaaladaasi ku sugan masuuliyiin kala duwan ay ku jiraan xildhibaanno, kuwaa oo iyana abaabulka qeyb ka ah.

Abaabulkan ciidan ee ka socda degmada Maxaas ayaa ku wajahan bariga gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceelbuur , oo dhawwaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka dib uga soo baxeen.

Saraakiisha ciidanka iyo masuuliyiinta kale ee jooga degmada Maxaas ayaa diyaarinaya istaraatiijiyad iyo qorshe dagaal oo la doonayo in lagu wajaho bariga gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa ku wajahan Maxaas oo katirsan Gobalka Hiiraan, waxayna wararku sheegayaan in Madaxweynaha ka quustay qaar kamid ah beelaha daga Galmudug in ay awoodooda ciidan ku taageeraan howlgalka Milateri ee dalka ka socdo.

Qaar kamid ah beelahaan oo waqtiyo kala duwan soo bandhigay hub culus, gaadiid dagaal iyo ciidamo boqolaal ah ayaa marna ka qeybgelin dagaalkii Ceelbuur, waxayna arrintu u muuqataa in qorshahoodu ahaa dhoolatus oo kaliya iyo soo bandhigista awoodooda ciidan.

MD Xasan Sheekh ayaa raadinaya beelo kale oo taageera howlgalka Xoreynta Ceelbuur iyo Galhareeri oo ay hadda ku hareereysan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response