Roobab mahiigaan ah oo la filayaa in ay ka da’aan Geeska Afrika.

by admin | Saturday, Apr 27, 2024 | 17 views

qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika ayaa la kulmi doona xaalado ka qoyan inta u dhaxaysa May iyo July, Xarunta Saadaasha Cimilada iyo Codsiyada (ICPAC) ee urur goboleedka IGAD, ayaa Jimcihii sheegtay.

Xaaladaha qoyan ayaa laga filayaa inta badan qeybaha waqooyiga ee gobolka, ICPAC ayaa ku sheegtay saadaashii ugu dambeysay.

“Tani waxay si gaar ah uga socotaa inta badan Suudaan, Koonfurta Suudaan, Itoobiya, Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya, Uganda, iyo galbeedka iyo xeebaha Kenya,” ayay tiri ICPAC.

Gobolka waxaa hadda ka da’aya roobab aan caadi ahayn oo sababay fatahaado sababay dhimasho iyo burbur.

Kenya, daadad ayaa dilay in ka badan 50 qof, kumanaan kalena way ku barakaceen, sida ay sheegtay Laanqayrta Cas ee Kenya. Dalka deriska la ah ee Tanzania, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tirada la dilay ay tahay 155, in ka badan 200,000 oo kalena ay ku barakaceen.

Inkasta oo inta badan Geeska Afrika ay roobabku helaan bilaha May-July, ICPAC waxay xustay, in xaalado qalalan oo aan caadi ahayn laga filayo koonfurta Soomaaliya, galbeedka Itoobiya, galbeedka Suudaan iyo badhtamaha Uganda.

“Heerkulka ka diiran sida caadiga ah ayaa sidoo kale lagu muujiyey gobolka oo dhan,” ICPAC ayaa tiri.

Suudaan, Eritera, Itoobiya, Soomaaliya, bariga Kenya iyo xeebta Tanzania ayaa diiwaan gelin doona heerkulka ugu sarreeya muddadaas, sida ay sheegtay hay’addu.

Geeska Afrika waxaa ka dhacayay xaalado cimilo xumo, iyadoo abaaro iyo roobab mahiigaan ah ay si isdaba joog ah uga da’ayeen xilli ay cimiladu sii xumaaneyso.

Like it? Share it!

Leave A Response