Qaramada Midoobay oo ka walaacsan amar kasoo baxay Militariga afgambiga ku qabsaday Niger.

by admin | Saturday, Sep 2, 2023 | 121 views

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay amar kasoo baxay Militariga Afgambiga ku qabsaday Dalka Niger oo xadidaya Hay’adaha kala duwan ee gargaarka si ay u gacansiiyaan dadka dhibaateysan ee awood ahaan liita.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in tallaabadaas ay tahay mid kala dhantaaleysa gargaarka Bani aadamnimo ee Hay’adaha ay siiyaan Dadka awooddoodu yar tahay ee u baahan in la gacan qabto.

Militariga ayaa arrintaan u sameeyay sababo la xiriira dhinaca amniga cabsi qabaan in faragelin shisheeye lagu sameeyo maadaama marar kala duwan hanjabaad uga timid dhinaca isbaheysiga waddankaas uu xubinta ka yahay ee ECOWAS.

Sarkaal katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dad badan ay cunno la’aan heysato, haddii gurmad loo agaasimi lahaana ay waayeen dhabbihii ay u marsiin lahaayeen gargaarkaas waa sida uu hadalka u dhigay.

Militariga awoodda ku qabsaday Dalka Niger ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa horay u xiray hawada dalkaas sabab la xiriirta in uu kahortago duullaanka ay ugu goodiyeen dalalka ay ku mideysan yihiin Ururka ECOWAS.

Like it? Share it!

Leave A Response