Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo DG Koofur Galbeed & Jubbaland ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan la dagaalanka ‘AS’.

by admin | Saturday, Sep 2, 2023 | 94 views

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaankii 10aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland ugu baaqay diyaargarowga howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Xildhibaan Maxamed Mursal ayaa sheegay in dagaalka lagu qaaday ‘AS’ ee looga qabsaday dhulka baaxadda weyn ee Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug ay muujisay in xoogga la saaro Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Sababta waxa uu ku sheegay in ‘AS’ xooggoodu isugu tageen Dowlad-Goboleedyada aanay dagaalka ka socon balse loo baahan yahay in looga daba-tago loona diyaargaroobo gulufkaas xooggan waa sida uu hadlaka u dhigay.

“Maanta waxaa la joogaa xiligii qof weliba uu muwaadinku is weydiin lahaa in lasoo gaaray doorkii uu ka qaadan lahaa dagaalka lagu ciribtirayo khawaariijta, Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa difaaca deegaanka dhul baaxad weyn oo ah Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle, Waxaa Koofur galbeed iyo Jubbaland laga rabaa in ay diyaargarow sameeyaan maadaama meelaha ay salka la galayaan ay tahay, waxa ay ila tahay in loo istaago lana baraarugo” Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in guud ahaan loo baahan yahay garab istaag loo muujiyo ciidamada howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ kawada guud ahaan Dalka si looga mira-dhaliyo howlgalladaas socda.

Like it? Share it!

Leave A Response