Ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah oo howlgal fuliyey degmada Xarardheere ee gobolka Galgaduud.

by admin | Thursday, Apr 25, 2024 | 23 views

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo qorsheysan ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug, waxaana la sheegay in lala beegsaday fariisimo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda howlgallada qorsheysan ee la qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhig ay isku uruursanayeen xoogagga Al-shabaab, isla markaana ay isku uruursanayeen, waxaana howlgalladaas lagu soo afjaray in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in dowladdiisa ay sii wadi doonto howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab inta laga gaarayo guul, isagoo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan sidii cadowga looga xoreyn lahaa dalkooda.

Howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay fulinayaan ciidamada dowladda federaalka, kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawisley iyo saaxiibada caalamiga ah ee dhanka ammaanka ayaa waxaa kooxdaasi laga xoreeyay dhowr goobood oo muhiim ah.

Like it? Share it!

Leave A Response