Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya oo kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho.

by admin | Saturday, May 4, 2024 | 14 views

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in rag hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ay xalay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Cumar Axmed oo ku magac dheeraa Aadan Biit, waxaana la sheegay in lagu dilay Maqaayad ku taalla agagaarka Iskuul Polizia oo ka mid ah meelaha sida aadka ah loo ilaaliyo .

Dilka sarkaalka sare ayaa waxaa geystay nin bastoolad ku hubeysan oo aan heybtiisa la aqoonsan, kaasoo dhowr xabadood ku dhuftay marxuumka, isla markaana markiiba goobta ka baxsaday.

Laamaha ammaanka ayaa durbadiiba gaaray goobta lagu dilay Sarkaalkaasi, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano, balse ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilkaasi.

Dilka sarkaalkan ayaa dhaliyay su’aalo dhowr ah iyadoo la is weydiinayo sida nin hubeysan uu askari ugu dilay agagaarka School Polizia oo si weyn loo ilaaliyo, isla markaana goobta ka baxsado dilka ka dib.

Madaxda ugu sareysa Dowladda oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dilkii xalay loo geystay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Aadan Cumar Axmed Aadan Biit.

Like it? Share it!

Leave A Response