Meydad laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho kadib amar kasoo baxay dowladda.

by admin | Saturday, May 4, 2024 | 15 views

Dadka reer Muqdisho ayaa maanta oo Sabti ah bilaabay inay meydad ka soo saaraan qabuuraha Iskool Buluusiya ee degmada Xamar Jajab, iyagoo ka jawaabaya amarkii dowladda ee ahaa in goobta laga nadiifiyo.

Dadka la soo saaray waxaa ka mid ah majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo geeriyooday bishii Sebtembar 2021. Qoyskiisa ayaa meydkiisa u raray meel ammaan ah si looga hortago qalalaase mustaqbalka.
Ka qeyb galayaasha soo saarista xabaalaha ayaa sheegay in dowladdu aysan wax sabab ah u soo saarin amarka lagu banneynayo xabaalaha oo ay ku jiraan dad badan oo caan ah oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cumar Yariisow, duqii hore ee Muqdisho oo isaga iyo lix mas’uul oo ka tirsan dowladda lagu dilay bishii July 2019. gabar Al-Shabaab ah oo is qarxisay

Like it? Share it!

Leave A Response