Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay gobolka Gedo.

by admin | Saturday, May 4, 2024 | 14 views

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa howlgalo xooggan oo ka dhan ah ‘AS’ ka wada deegaannada u dhaxeeya degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana meelaha qaar laga soo sheegayaa dagaallo u dhaxeeya labada dhinac.

Taliyaha Guutada 10-aad ee qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Cismaan Niiniile ayaa tilmaamay in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, gaar ahaan isu socodka gaadiidka ee Luuq iyo Doolow.

Gaashaanle Cismaan ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda ay ka go’an tahay in ay joogteeyaan howlgalladooda, maadaama ay ka hortagayaan dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ee lagu jarayo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Gobolka Gedo waxaa ku sugan Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Ciidamo dhawaan tababar loo soo xiray, kuwaasi oo la dejiyay qaar ka mid ah Xeryaha Ciidamada ee Gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response