Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta ka dooday Hindise Sharciyeedka Howlgabka & Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka

by admin | Saturday, Sep 2, 2023 | 150 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3aad kulankiisa 22aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo doonka.

Ugu horreyn Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku biiriyay talooyin ku saabsa Hindise sharciyeedka Howlgabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, iyagoona sheegay in muhiim u yahay sharci qeexaya howlgabka  dadka shaqaalaha ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa Golaha u sheegay in la isku soo laabto maalinta Isniinta ah si loo sii amba qaado shuruucda hortaala Golaha Shacabka, isaga oo sheegay in Golaha ay hor yaalaan shaqooyin badan.

Bilowgii todobaadkii hore kulan u qabsoomay Golaha ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay dood ka yeesheen sharciga Hawlgabka, iyaga oo shirguddoonka ka codsaday in dib loogu celsho Guddiga arrimaha Bulshada, sida ay dib u eegis ugu sameeyaan sharcigaan.

Like it? Share it!

Leave A Response