Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay inay noqoto xubintii siddeedaad ee Ururka EAC

by admin | Sunday, Sep 3, 2023 | 73 views

Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay inay noqoto xubintii sideedaad ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo ah urur goboleed u heellan horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda, bulshada, iyo isdhexgalka dhaqanka ee dalalka xubnaha ka ah.

Horumarkan ayaa daba socda gabagabada sagaal maalmood oo wada-xaajoodyo xooggan oo ka socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo ku saabsanaa ka mid noqoshada Soomaaliya ee EAC.

Natiijooyinka wada xaajoodyadan ayaa loo gudbin doonaa madaxda EAC inta lagu guda jiro shir madaxeedkooda bisha November ee sanadkan.

Shir madaxeedkan, ayaa lagu go’aamin doonaa go’aanka ugu dambeeya ee xubinnimada Soomaaliya ee EAC. Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2012 ku raad joogtay xubinnimada EAC, markaasoo ay markii hore gudbisay codsigeeda.

Hawlgal xaqiijin ah oo EAC ay samaysay Janaayo 25 ilaa Febraayo 3, 2023, ayaa lagu xaqiijiyay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudaha ogolaanshaha ee ku xusan heshiiska EAC.

Xubinimada Soomaaliya ee EAC ayaa waxay u dhigantaa in ay suuq weyn u hesho wax soo saarkeeda iyo adeegyadeeda, korodhka fursadaha maalgashi, kaabayaasha dhaqaalaha. Intaa waxaa dheer, waxay fududeyn doontaa iskaashiga arrimaha xuduudaha ee kala duwan. Dhanka EAC, waxay uga dhigan tahay balaadhinta gaaritaankeeda iyo saameynteeda gobolka.

Like it? Share it!

Leave A Response