Darawal Mooto oo 1 Dollar dartiis loogu dilay Degmada Afgooye

by admin | Saturday, Sep 2, 2023 | 154 views

Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa goor dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay mid kamid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata Mootada laba lugaaleyda ah ee loo yaqaano Fekomta.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Askariga uu darawalka u dilay muran la xiriira lacagta Canshuurta ee sida billaha ah loogu qaado dadka ku shaqeysta Moto Fekomta ee degmada Afgooye.

Askariga ayaa la tilmaamay inuu darawalka u dilay lacag dhan ah Hal Dollar oo kaga harsaneyd lacagta Canshuurta ee laga qaadayay darawalka oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Suleyman Ahmed Mohamed kuna Magaca dheeraa Shandheere .

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa durbadii ka baxsaday Askarigii Booliska ahaa ee dilka geystay, waxaana durbadii halkaas isugu soo baxcay dadka ka careysan Dilka marxuunka.

Banaanbax xooggan oo ay dhigayaan dadkaasi ayaa ka socda degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoona taayaro waaweyn ku gubaya wadada laamiga ah ee u dhow Buundada degmadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response