DFS oo sheegtay hawgal ka dhacay Gobalka Shabeelaha dhexe in lagu dilay 20 ka tirsan AS

by admin | Saturday, Sep 2, 2023 | 113 views

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay hawgal ka dhacay deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellada Hoose in lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee SONNA ayaa lagu yiri, “In ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellada Hoose.”

Hawgalkaan ayey Dowladda Soomaaliya ku sheegtay in ay iska kaashadeen fulintiisa Ciidama Xoogga dalka iyo Saxiibada Caalamka ee Soomaaliya, iyada oo xustay in lagu dilay hawgalka horjoogayaal ka tirsan Al-Shbaab oo ku sugnaa guri ku yaal deegaanka Towfiiq.

Hawgalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli gobollada dalka uu ka socda abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo xooggiisa uu ka socda Gobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug kuwaas oo ka wada tirsan Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response