Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Turkiga ayaa maanta waxaa ka billaabatay u codeynta , doorashada ugu muhimsan taariikhdooda casriga ah, si ay go’aan uga gaaraan haddii Recep Tayyip Erdogan uu sii ahaanayo madaxweyna hooda ka dib 20 sano oo uu xukunka hayay. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wajahayo loolankii siyaasadeed ee ugu weynaa intii uu xukunka hayay, waxaana la xaqiijiyay in in ka badan...

Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliiska Saldhiga degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir ayaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen haweeney ku eedeysan dil ay u geysatay Wiil yar oo ay eedo u aheyd oo uu dhalay ninkeeda. Qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay si xun u garaacday wiilka yar ayna jirkiisa ka muuqdeen garaacis...

Wararka ka imaanaya deegaanada dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi uu wabiga Shabeelle ka sameeyay naq aad weyn. Deegaanka Godeey ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa laga soo wariyay in biyahii banaanka uga baxay wabiga iney dib ugu xaroodeen gudaha wabiga Shabeelle. Muqaalo laga soo duubay naqa uu ka sameeyay wabiga Shabeelle...

Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyn oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle. Wasiiro iyo Masuliyiin kale ayaa ku soodhaweyey wafdigaan Garoonka diyaradaha, waxaana intaas kadib uu kulan la qaatay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ay kawada hadleen xaalada cakiran...

Waxaa heer gabagabo ah maraya ololaha doorashada Turkiga oo isku hayaan Xisbiga Talada Dalkaas haya iyo mucaaradka daneynaya in mar uun ay kursiga ka kiciyaan hoggaanka haatan jooga maamulka Waddankaas. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ah hoggaamiyaha ugu awoodda badan ee Dalkaas kana tirsan Xisbiga Talada haya ayaa dedaal dheeraad ah geliyay sidii Xisbigiisa...

Wasiirka Maaliyadda Xukuumdda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan gaar ah oo miro dhal ah la qaatay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqa. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis...

Cutubyo ka Tirsan Ciidanka kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Daraawiisjta Jubland ayaa Hawlgal ka sameeyay degaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose. Ururka 5-aad Guutada 16aad ee Ciidanka Kumandooska Xoogga Dalka Somaliyeed & Ciidanka Guutada 2aad ee Daraawiishta Dowlad Goboleedka jubaland ayaa Hawlgal Qorshaysan Ka Sameeyey Deeganada Kala Ah Galooley , libaaxley,Dhakayn...

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay xal u raadineyso Xakameynta Qulqulka soogalootiga ah ee ku sugan Xuduudda Koofureed ee Dalkaas kaddib markii uu dhammaaday waqtigii Xayiraadda Safarka ee Covid-19. Xukuumadda Washington ayaa diiradda saareysa in ay xal u hesho sidii ay u celin lahayd Dadkaan sida sharci darrada ah raba in ay u galaan Mareykanka iyaga oo qiil ka dhiganayaa...

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni & Madaxda Dawlada Dhexe ee Soomaaliya ee kala Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barreoo isku dhinac ah iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saameeyn xooggan ku yeelan kara...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dalka Switzerland kaga qeyb galay shir la xariira sidii xal loogu heli lahaa dadka ay abaaraha, colaadaha iyo cunto yarida barakaciso. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta La socodka Barakacayaasha Gudaha (IDMC) oo ah hay’ad caalami...