Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiiru dowlaha amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa kulan isugu yeeray laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo ka hadlay shaqada ciidanka cusub ee boolis militaarka oo la wareegay amniga magaalada Muqdisho. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo hirgelinta xeerka xakameynta hubka culus ee lagu dhex-qaato caasimadda...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan arrimaha caafimaadka Muqdisho kula saxiixday Xafiiska Dawladda Ingiriiska u qaabilsan arimaha horumarinta caafimaadka. Heshiiskan ayaa dhigaya mashruuc caafimaad oo laga hirgalin doono qaybo ka mid ah dalka, kaas oo la rajaynayo inuu wax weyn ka tari doono hoos u dhiggidda dhimashada...

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashnaya kuwa degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay Maanta ilaa xalay ka wadaan degaano katirsan gobolka Galghaduud, halkaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab. Howlgallada ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga wadaan aaga degaan ka Budbud oo dhawaan lala wareegay, waxaana Ciidamada...

Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa ku dilay Xaafada Buundaweyn ee magaalada Baledweyne sarakaal ka tirsanaa ciidanka Booliiska degmada Baledweyne. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Taliye Nuur Xasan Bidaar oo loo yaqaliinay Nuur Xasaneey, kaasoo horay usoo noqday Taliye ku xigeenka Saldhiga ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne. Dilka sarkaalkaan ayaa ka dhacay...

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha qeybta Guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida ayaa xalay  kormeeray degmooyinka xiga qeybta Bari gaar ahaan saldhigyada Yaaqshiid iyo Kaaraan. Ujeedka...

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen beesha caalamka ayaa lagu sheegay in dhinacyada isku haya colaadda Laascaanood ay fulin waayeen ballanqaadkii xabbad joojinta iyo kala qaadida labada ciidan. Beesha caalamka waxay si toos ah baaq ugu direen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana loogu baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda,...

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Sudan, Aidan O’Hara, ayaa lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Khartuum, halkaas oo ay ku dagaallamayaan xooggag iska soo horjeeda. “Dhaawac weyn ma uusan gaarin” diblomaasiga oo u dhashay Ireland, sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaas, Micheál Martin. Wasiirka ayaa weerarka ku tilmaamay mid “si weyn...

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka dhacay dagaal xooganaa oo u dhaxeeyay Ciidamada degaanka ee SSC iyo Ciidamada Somaliland. Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo ka wada degaannada Bari iyo Galbeed ee magaalada Laas-Caanood ay weerareen Ciidamada...

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa digniin horleh u dirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada dalka Suudaan ee Khartuum, oo uu ka billowday dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa RSF. Wasaaradda ayaa waxay fartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Khartuum iyo guud ahaan dalkaasi inay taxadar iyo feejignaan dheeraad...

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ka codsaday mucaaradka inay fursad siiyaan wadahadallada, halka Raila Odinga, mucaaridkiisa ugu weyn uu ku boorriyay taageeryaashiisa inay mar kale isugu soo baxaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda. Kumannaan qof ayaa ka qaybqaatay mudaaharaad saddex maalmood socday dabayaaqadii bishii March, kaas oo ay hareeyeen isku dhacyo u dhexeeyay...