Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo degaano horleh la wareegay

by admin | Tuesday, Apr 18, 2023 | 253 views

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashnaya kuwa degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay Maanta ilaa xalay ka wadaan degaano katirsan gobolka Galghaduud, halkaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgallada ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga wadaan aaga degaan ka Budbud oo dhawaan lala wareegay, waxaana Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ay kusii siqayaan degaano katirsan Gobolka Galgaduud.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada 4aad ee qeybta 27aad korneyl Saneey Cabdulle Gaab iyop Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, waxaana ay sheegeen in u jeedkooda uu yahay sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen degmada Ceelbuur iyo degaannada kale ee Gobolka Galgaduud.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada is garabsanaya ay la wareegeen tuulooyin dhowr ah oo ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response