Faafaahin:Taliye ku xigeenkii hore ee Saldhiga Booliiska Baledweyne oo lagu dilay magaalada Baledweyne

by admin | Tuesday, Apr 18, 2023 | 232 views

Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa ku dilay Xaafada Buundaweyn ee magaalada Baledweyne sarakaal ka tirsanaa ciidanka Booliiska degmada Baledweyne.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Taliye Nuur Xasan Bidaar oo loo yaqaliinay Nuur Xasaneey, kaasoo horay usoo noqday Taliye ku xigeenka Saldhiga ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne.

Dilka sarkaalkaan ayaa ka dhacay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaala xaafada Buundweyn gaar ahaan laanta Isbartiibo

Dableyda dilka geysatay ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen sarkaalka, waxaana dilka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Baledweyne oo halkaasi baaritaano ka sameeyay, walow aysan jirin cid ay usoo qabteen dilka.

Like it? Share it!

Leave A Response