Ciidanka cusub ee sugaya amniga Muqdisho oo magac loo bixiyey

by admin | Wednesday, Apr 19, 2023 | 202 views

Wasiiru dowlaha amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa kulan isugu yeeray laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo ka hadlay shaqada ciidanka cusub ee boolis militaarka oo la wareegay amniga magaalada Muqdisho.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo hirgelinta xeerka xakameynta hubka culus ee lagu dhex-qaato caasimadda Muqdisho oo dhawaan ay soo saartay dowladdu.

Masuuliyiinta ayaa warbaahinta la hadlay kulanka kadib, waxayna ka warbixiyeen amniga magaalada Muqdisho iyo sida ay doonayaan in loo sugo amniga, iyadoo loo hogaansamayo go’aanka xakameynta hubka.

Wasiiru dowlaha amniga Maxamed Xagaa ayaa aad u amaanay ciidanka cusub ee sugaya amniga caasimada, kuwaas oo dhawaan lagu soo tababaray dalka Uganda, wuxuu sheegay in ciidankaas ay ku guuleysteen inay si buuxda u sugaan amniga caasimadda.

“Ciidanka cusub ee amniga caasimadda sugaya waxaan ugu yeereynaa magaca ‘Ciiltire’ waxaan uga mahad celineynaa shaqada ay ka qabteen amniga caasimadda,” ayuu yiri wasiir Xagaa.

Sidoo kale wasiirka ayaa masuuliyiinta dowladda ka codsaday inay u hoggaansamaan go’anka dowladda ee lagu xakameynayo hubka culus, “xeerkaan wajiyo kale ayuu yeela doonaa, laakiin hadda hubka culus guryihiina dhigta, amniga magaaladaan waa la sugaye,” ayuu yiri.

Sidoo kale wasiir Xagaa ayaa qof kasta oo hub heysta ku war-geliyey inuu iska diiwaan geliyo wasaaradda amniga, isagoo shacabka ugu baaqay inay ciidanka la shaqeeyaan.

Sidoo kale duqa Muqdisho ayaa ka hadlay kulankaas, isagoo sheegay in xeerka xakameynta hubka culus ee lagu dhex wato caasimadda Muqdisho uu wax badan ka bedeli doono dhibaato ay bulshadu kala kulmi jirtay ciidanka.

“Hadii xeerkaani dhaqan galo waxaan qabaa inay meesha ka bixi doonto dhibaatadii gaari jirtay dad badan oo shacab ah, dadka reer Muqdisho amni ayey baahi u qabaan, waxaana amnigooda masuul ka ah masuuliyiinta halkaan fadhisa,” ayuu yiri Guddoomiye Yuusuf Madaale.

Like it? Share it!

Leave A Response