Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka & Al-Shabaab ayaa ka socda Deegaanka Basra oo u dhaxeeya Degmooyinka Afgooye oo Gobolka Shabeelaha Hoose ah & Balcad oo Shabeelaha Dhexe ah. Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in howlgalkaan ay fuliyeen ciidamo katirsan DFS oo tagay goobo ay Al-Shabaab dad ku xireen kuna guuleysteen in ay...

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa  wacad ku maray in ay la shaqeyn doonaan ciidamada ammaanka ee dalka ee wada howlgallada nabadda lagu raadinayo, inkastoo ay kordheen weerarada ay Al-Shabaab ka geysanayaan dalka. ATMIS ayaa sidoo kale cambaareysay weerarkii habeenkii jimcaha ay kooxdu ku qaaday kolonyo Gaadiid ah, kaasi oo sababay dhimashada 20 qof...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi iskugu jira ganacsatada iyo Gudoonka Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Guddoomiyaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda ku nool dalka Koonfur Afrika uga mahadceliyey kulankaan islamarkaana kula dardaarmay in isku xirnaan...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in uu murugada la qqeybsano ehelada dadkii ay jeclaayeen ku waayay musiibada ka dhacday Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle halkaas oo Al-Shabaab ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo ay ku jiraan carruur aan waxba galabsan. ” Al-Shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba oo inaga Mid ah...

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee Magaalada Baraawe iyo kuwa ATMIS qeybtooda Baraawe ayaa ka shiray sidii loo sii xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shaaab ee gudaha iyo daafaha Magaalada. Kulanka waxaa Shir gudoominayay Taliyaha ururka 25-aad, guutada 6-aad, Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xarago, waxaana qeyb ka ahaa Gudoomiyaha...

Sida ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Hiiraan Inta u dhaxeysa Degmooyinka Maxaas & Baladweyne waxaa ka dhacay weerar lagu gubay ku dhawaad 10 Gaari oo ah nooca xamuulka qaada. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay dileen qaar kamid ah Dadkii la socday gawaarida la gubay. Tirada dadka la dilay ayaa ku dhawaa 15 ruux sida ay sheegeen maamulka...

  Wararka naga soo gaaraya degaanka Yeed oo katirsan Gobolka Bakool ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in Saldhig Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka halkaasi ku leeyihiin ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen...

Askari la sheeay in uu katirsan yahay ciidamada Booliska ayaa Maanta waxaa uu Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne kudilay mid kamid ah darawalada Gaadiidka ka Shaqeeya Magaalada Beledweyne, iyada oo dilka kadib uu goobta ka baxsaday. Goobjooayaal ayaa sheegay in dilka uu ka dambeeyay kadib markii askariga iyo darawalka ay ku murmeen lacag darwalka uu Askariga ka...

Hay’adda Lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa sheegtay in ay heshiis la gaartay dalka Sri Lanka, si looga samatabixiyo dhibaatada dhaqaale ee dalkaas ka jirta, waxaana IMF ay sheegtay inay dalkaas siin doonto muddo afar sano ah, lacag gaadhaysa illaa $2.9 billion oo dollar. Koox ka tirsan hay’adda IMF oo booqasho ku joogta dalka Sri Lanka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheikh Aadan Mohamed Nuur Madobe ayaa ka qeyb galay shirweynihii 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda heer qaran iyo heer gobol ee Afrika oo ka furmay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyey shirweynaha ayaa sheegay saameynta isbedelka cimalada Africa iyo sidii loo soo afjari lahaa cuno yaraanta...