Faafaahin:dagaal ka dhacay deegaanka basra.

by admin | Monday, Sep 5, 2022 | 342 views

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka & Al-Shabaab ayaa ka socda Deegaanka Basra oo u dhaxeeya Degmooyinka Afgooye oo Gobolka Shabeelaha Hoose ah & Balcad oo Shabeelaha Dhexe ah.

Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in howlgalkaan ay fuliyeen ciidamo katirsan DFS oo tagay goobo ay Al-Shabaab dad ku xireen kuna guuleysteen in ay sii daayaan sida hadalka loo dhigay.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa lagu sheegay in Ciidamada howlgalka fuliyay ay gacanta ku dhigeen xubno katirsan Al-Shabaab balse ma sheegin inta ay tiradoodu dhan tahay.

Dowladda Federaalka sooma bandhigin magacyada iyo sawirrada Dadka ay sheegtay in ay kasoo qabatay Al-Shabaab, waxa ay saraakiishu intaas ku dareen in ay burburiyeen goobihii ay ku xirnaayeen Dadka Shacabka ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa dhaqdhaqaaq ciidan kawada Gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan & Galgaduud oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response