Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday gaari bas iyo mid tax ah oo marayay gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana ay dadkii saarnaa ay ka baareen in ay ku jiraan dad aan Soomaali aheyn oo u dhashay gobolada kale ee dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen warbaahinta  Kenya. Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Lag Barich oo u dhexeeya Magaalada Dabacity iyo Buurta Dimu ee xuduudka...

Guddoomiyihii ku meel gaarka ahaa ee xildhibaanada golaha shacabka intii laga soo dooranayey guddoonka rasmiga ah ee golaha Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad ayaa ka hadlay ka hadlay isku eedeynta uu wajahayo kiiska Ikraan Tahliil. Dhabancad ayaa sheegay in rag iska dhicin ay ka tahay eedeynta Fahad Yaasiin ee ku wajahan ra’iisul wasaare Rooble iyo masuuliyiin...

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay Jimcihii in ay raadinayso 993.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah iyo mid nololeed si looga hortago macluusha loogana jawaabo abaarta Soomaaliya marka la gaaro bisha December. Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa...

Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey. Ururka Taliban ayaa sheegay in sii deynta Asadullah Haroon, inay...

Waxaa Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo Guud ahaan Gobolka Hiiraan xilligaan kajirta Abaar daran iyo xaalad macluul oo saameeysay dadka barakacayaasha ah, taas oo keentay in Carruur farabadan ay nafaqa darro u geeriyoodaan. Mid ka mid ah barakacayasha kunool kaamka nasteexo ayaa yiri: waxaan ka mid ahay dadka masaakiinta ah oo degan waxaa kunool dad duqooy...

Shir Jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay shalay afhyeenka madaxweynaha Soomaaliya Cabadikariin Cali kaar ayuu ku beeniyay warar maalmihii lasoo dhaafay soo shaac baxay oo ku aadanaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tagay Israel. Afhayeenka ayaa gabi ahaanba uu beeniyay , wararka, Wuxuu sheegay in madaxweynuhu aanu tagin Israel,maadama Soomaaliya iyo Israel...

Maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen ee Koonfur Galbeed ayaa mamnuucay in shirar siyaasadeed lagu qabto deegaanada uu ka arrimiyo, wuxuuna maamulku shaaciyey inay jiraan siyaasiyiin ‘doonaya inay qalqal siyaasadeed geliyaan gobolka.’ Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in cidna aan laga...

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu mas’uul ka yahay kacsanaanta siyaasadeed iyo welwelka ka jira Deegaannada Somaliland. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in 30 sano kaddib Somaliland ay qarka u saaran tahay rabshado uu sabab u noqdo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maadaama uu ka dhega...

Gen. Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), Wasiirka Amniga DG Jubbaland oo hoggaamiye u ahaa Wasiiro katirsan Dowlad-Goboleedkaas oo kormeyr qiimeyn ah ku sameeyay Dhoobley oo shalay Golaha Wasiirada Jubbaland u aqoonsadeen Degmo. Wasiir Dhuumaal waxa sheegay in dhinacyada Ganacsiga iyo Amniga ay horumar ka sameysay Dhoobley, Shacabka iyo maamulka ayaa ku bogaadiyay in ay...

Faysal Aadan Ibraahim, Madaxa qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo ayaa sheegay in ay geeriyoodeen ku dhawaad 30 Carruur oo sabab saday nafaqo-darro ka dhalatay abaarta ka jirta deegaannada DG Jubbaland. Waxa uu intaas ku daray in Carruurtaan intooda badan ehelkooda ka keeneen Gobolka Jubada Dhexe iyada oo xaaladdoodu liidatana la la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada...