Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal aya waxaa ay sheegayaan in Xarunta Madaxtooyada ay xalay kulan gaar ah ku yeesheen Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, kaas oo ay kaga hadleen waxyaabihii keenay khilaafkii dhexmaray. Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in...

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay abaal-marin lacageed oo gaareysa hal milyan oo dollar ay siineyso ciddii keenta xog horseedi karta xarigga mid ka mid ah laba nin oo Kenyan ah oo la baadi-goobayo, kuwaasoo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada iyo duur-joogta. Laamaha amaanka Kenya ayaa baadi goob ugu jira labada nin ee baxsadka ah oo lagu kala magacaabo Badru...

Taliska ururrada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degaanka Janaale ayaa soo bandhigay Cusmaan Xasan Hiraab oo muddo ka barbar dagaalamayay Urururka Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay ciidanka. Ninkaan oo kamid ah dhalinyarada Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka soo dagaalamay gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Hoose...

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulkaas kadib markii uu kaalinta seddexaad ka galay doorashadii xilka madaxweynimo ee ka dhacday Muqdisho. Xilligiisii ololaha doorashada wuxuu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Deni isaga iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaddib...

Waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay muddooyinkii la soo dhaafay, kaas oo la xiriiray awood dhinaca maamulka ah. Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah Isimada Puntland ayaa la sheegay inay doorweyn ka qaateen xalinta khilaafka Madaxda ugu sarreeysa...

Ciidamada Ammaanka gaar ahaan kuwa Booliska iyo Nabadsugida ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay dhanka Amniga waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug. Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay waddooyinka waaweyn ee Dhuusamareeb, kuwa soo...

Wararka ka Imanaya dalka Chad ayaa sheegaya in in kabadan 100 qof ay ku dhinteen isku dhacyo dhex maray kooxaha dahabka ka qota woqooyiga dalkaasi, sida laga soo xigtay masuuliyiinta dalka Chad, sidoo kalena waxaa dagaalkaas ku dhaawacmay in ka badan 40 qof oo kale. Iska hor-imaadyada ayaa badankoodu waxay dhaceen 23-kii iyo 24-kii bishan May, waxayna ka dhaceen degmada...

Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in safarkiisii ugu horreeyay uu ugu ambabaxo tan iyo markii la doortay 15-ka Bisha May Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Magaalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Shalay waxaa Magaalada Baydhabo gaaray wafdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha...

Agaasime Gaboose oo qaraxaas ku waayey lug, gacan iyo labadiisa indhood ayaa wareysigiisa qeybtaan ku sharax dhibaatooyinkii uu soo maray, goortii uu ka soo laabtay dalka Qatar, balan qaad aan fulin oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka helay, dalalka loo sheegay in dhakhaatiir wax ka qaban karta dhaawaciisa uu ka heli karo iyo waxa ka jira in gabar Indha la’ ay fulisay...

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee DF ayaa qoraal uu soo saaray ku faray waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradaas iney deg deg u dhaqan geliso amarkii uu soo saaray dhawaan RW Rooble ee ahaa in dib shaqadooda loogu soo celiyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaarada oo uu ceyriyey, shaqaale kalena ku bedelay Wasiirka arrimaha...