Gaadiidleyda Kenya oo ay soo wajahday cabsi uga timid ururka Al-Shabaab

by admin | Saturday, Jun 25, 2022 | 375 views

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday gaari bas iyo mid tax ah oo marayay gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana ay dadkii saarnaa ay ka baareen in ay ku jiraan dad aan Soomaali aheyn oo u dhashay gobolada kale ee dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen warbaahinta  Kenya.

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Lag Barich oo u dhexeeya Magaalada Dabacity iyo Buurta Dimu ee xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Baska ayaa rakaab ka soo qaaday Nairobi kuna sii jeeday Mandheera ayaa rag aad u hubeysan oo ka tirsan Shabaab ay joojiyeen ka dibna ay baaris dadka ku bilaabeen sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah darawadalada.

Goob joogayaal ayaa sheegay inay raadinayaan Shabaab dad aan deegaanka u dhalan. Waxay ku amreen dhammaan rakaabkii inay ka soo degaan baska, waxayna raadinayeen dadka aan deegaanka u dhalan wax ka badan laba saacadood ayay wareysanaayeen dhammaan rakaabkii saarnaa gaariga.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaar ka mid ah ay baarayeen rakaabka, qaar kalena lagu arkay kaymo ku dhow wadada weyn ee B9.

Ma jirto cid wax ku noqotay  howlgalka, maadaama aysan jirin cid aan deegaanka u dhalan. Waxaana gaadiidleyda ay sheegeen in aysan qaadi Karin dad aan u dhalan degaanada Soomaalida, maadaama ay Shabaab beegsanayaan.

 

Facebook
Twitter
Pinterest
WhatsApp
Like it? Share it!

Leave A Response