Dubbe: “$60: kun oo ku bixi jirtay bullalayrka la ridi jiray, Madaxweyne Xasan ayaa u wareejiyay Dadka Abaartu saameysay

by admin | Sunday, Jun 26, 2022 | 302 views

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay Munaasabad lagu maamuusayay 62-sano guurada kasoo wareegtay markii xorriyadda ay qaateen Gobollada Waqooyi 26kii June 1960 maanta oo kale ayaa sheegay in lacagtii lagu soo iibinayay sanadihii dambe bullalayrka la ridi jiray uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u wareejiyay taakulada loo uruurinayo Dadka Abaartu saameysay.

Dubbe ayaa sheegay in lacagtaas dhan $60,000 (Lexdan kun oo dollar) uu amar ku bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka in abaarta dalka ka jirta awgeed loo wareejiyay sidii loogu gacan qaban lahaa Dadka ay saameysay oo ay gurmad u raadineyso Dowladda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Cismaan Dubbe ayaa martidii ka qaybgalay munaasabadda ka dhacday Muqdisho ayaa kahor sheegay in Dowladda Federaalka iyada oo maamuuseyso madaxbannaaninada Gobollada Waqooyi ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska haddana ay dhintay kharashka ku baxaya dabaaldegyada loo qabanayo maalmaha horriyadda.

“60: kun oo ku bixi jirtay Bullalayrka  la ridi jiray sanadkaan ma jiri doono Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa sidaas nagu yiri xaalada abaarta dalka ka jirta awgeeda Lacagtaas waxaa loo wareejiyay dadka ay saameysay Abaartu” ayuu yiri Cismaan Dubbe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay ka go’an tahay wax ka qabashada abaarta Dalka ka jirta, waxa uu magacaabay Ergay gaar ah oo wax ka qabta arrintaan, halka uu tagay xeryo barakac si uu usoo arko xaaladda halkaas ka jirta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacan qabtaan walaalaha ku xoolo iyo hanti beelay abaarta ee duruufaha adag wajahaya.

Like it? Share it!

Leave A Response