Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex Ruux ayaa Cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday kuwo kalena waa ay la jiifaan degaano hoostaga Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar. Degaannada Saar-saare iyo Gololeey Magacle ayaa cudurka uu ka dilay, waxaana ugu geeriyooday Saddex Ruux maadaama degaannadaas aysan ka jirin Goobo Caafimaad oo dadka lagu baxnaaniyo Xoghayaha...

Waxaa sii kordhaya Internet la’aanta haysata waddamo dhaca Qaaradda Afrika iyada oo aanay ilaa haatan la ogaan ama la shaacin sababta ka dambaysa in xawaaraha khadka Dalalkaas uu aad ugu hoos dhaco heerkii uu joogay. Dad badan ayaa ka cabanaya khad la’aan xooggan halka qaarka haysta uu awood u ahaan aad ugu liito waana tan keentay in shirkadaha qaar ee bixiya adeeggaan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay magaalada Baladweyne inuu sabab u ahaa markii jidgooyo loo dhigay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in koox hubaysan ay jidgooyo dhigteen halka uu guddoomiyuhu xafiiskiisa uu mari lahaa, taasoo uu sheegay inay keentay...

Dagaal xoogan oo Xalay ilaa barqanimadii maanta soo gaaray oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan state ayaa ugu dambeyn goordhaw istaagay, kadib markii guud ahaan magaalada Baledweyne si awood ah looga saaray ciidankii Hirshabeelle. Dagaalkaan ayaa ahaa kii ugu cuslaa uguna waqtiga dheeraa ee Baledweyne ku dhexmara labadaan maamul ee isku haysta...

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socda dagaal qaatay mudo ka badan 6 saacadood, kaasoo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan State. Dagaalka ayaa bilawday Xalay abaare 11:00 habeenimo kadib markii ciidamada Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen fariisimo Hiiraan State ku leedahay gudaha xerada Lamagalaay. Inta la xaqiijiyay...

Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka billaabawday Kiis Dil ah oo loo haysto Askar katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo rasaas ay fureen ku dhintay Taliyahooda sida laga hor sheegay Maxkamadda. Baareyaal kala duwan oo dabagalay Kiiskaan ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida kahor sheegay in askartaan markii hore ay isaga baxeen furimaha...

Muwaadin Soomaaliyeed oo Darawalnimada uga shaqeynsan jiray dalka Koonfurta Suudaan, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay kooxo hubeysan ku qaadeen gobolka Jonglei ee  Koonfurta  Sudan. Elizabeth Nyadak John, oo ah wasiirka  warfaafinta ee gobolka, ayaa sheegtay in muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay uu kamid ahaa kolonyo gaadiid ah oo raashin gargaar ah u...

Hay’adda Tayo Dhowrka Soomaaliyeed ayaa dekadda magaalada Muqdisho ku qabatay kunteenaro ay ku jireen bur dhacay, kaa oo la doonayay in gudaha loo galiyo magaalada laguna iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho. Sida aan wararka ku helnay burkan dhacay oo laga keenay dalka Turkiga ayaa la sheegay in uu soo degsaday ganacsade Soomaaliyeed, waxaana baaris lagu sameeyay lagu...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil loogu geystay wiil Soomaali ah magaalada Sheffield ee dalkaasi Ingiriiska. Wiilka Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jiray Sacad Cali ayaa la sheegay iney geysteen dilkiisa kooxo ku hubeysnaa Tooreey, kuwaas oo marxuumka dhowr meel kaga dhuftay Tooreeyda. War kooban oo kasoo baxay Booliiska gobolka Yorkshire ee dalka Ingiriiska...

Somaliland ayaa sheegtay in sida ay waddamada Reer Galbeedku uga jawaabeen xiisada Badda Cas anay ahayn mid xal lagu gaadhi karo. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed ‘Cali Mareexaan’ ayaa sheegay in jawaabta Waddmada Reer Galbeedka ee  xiisada amaan ee kataagan Badda Cas ay tahay mid xaalada uga sii daraysa uun. “Xiisada ka taagan Badda...