Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Shirkad Israa’iil laga leeyahay oo samaysay barnaamijka basaasnimada ee muranka dhaliyay ee Pegasus ayaa lagu daray liiska madow ee shirkadaha uu ganacsiga ka xannibay Maraykanka. Barnaamijka Pegasus ayaa la sheegay inay adeegsadeen dowladdo si ay u beegsadaan telefoonnada dadka u ololeeya xuquuqda iyo weriyayaal. Maraykanka ayaa shirkadda NSO Group ku daray kuwa aan...

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dowlad Deegaanka Soomaalida Gaashaanle sare Cabdiqaadir Maxammed ayaa sheegay in ciddii lagu helo wax baal marsan bayaanka xaaladda deg-degga ah laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. Taliye kuxigeenka oo Shir naraa’id ku qabtay Magalada Jigjiga ayaa ka digay in guud ahaan dowlad degaanka lagu dhex qaato hub sharci darro ah,...

Hay’adaha Amniga dowladda Soonaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ka qabteen dhowr diyaaradaha drone-ka ee aan duuliyaha laheyn ee dhulka laga hago, kuwaas oo Garoonka laga soo dejiyay. Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo kamid ah Baarlamaankii 10aad ee Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhamaaday ayaa sheegay in diyaaradahaas...

Diyaarada oo siday Agab kala duwan kana baxday Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ay ku gubutay garoonka diyaaradaha degmada Dooloow ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Diyaaradda oo u rarneyd Hay’adda WFP ayaa waxaa ay siday Matooro ay leeyihiin dad Shacab ah, waxaana ka kacay dab xoogan taas oo sababtay inay diyaaradu gubato. Wararka ayaa waxaa...

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku tagay Qardho ayaa xarigga kajaray xarunta la socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya oo laga hirgeliyay Qardho. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay wadajir u qabteen Wasaaraddaha arrimaha Beeraha iyo Deegaanka ee heer Federaal iyo heer Puntland iyo Hay’adda FOA, taasi...

Diyaarad xamuul ah oo nooceeda uu yahay C-160 ah ayaa goor dhowayd dab qabsaday xilli ay ku sugneyd dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Doolow. Diyaarada saacado ka hor shilkeeda waxay shixnad ka qaaday magaalada Muqdisho, waxaana diyaaradan iska lahayd shirkadda duulimaadyada ee Save Air. Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Maxamed...

Maamulka Degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan oo soo saaray Amaro la xiriira Amaanka si loo xaqiijiyo guud ahaan amniga degmadaas. Guddoomiyaha degmads Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo amarada Warbaahinta u akhriyay ayaa shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, wuxuuna ku dhawaaaqay Go’aannada amniganoo kala ah 1: In laga digayo in Ciidamo aan aheyn kuwa laamaha Amniga...

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada Ammaanka degmada Baraawe & maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa uu ka socdaa dhabarka dambe ee Hoyga Guddoomiyaha degmadaas Cumar Sheekh Cabdi Safaana. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeeda doorashada Golaha degaanka ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka billaabeen agagaarka Hotelka ay ka socoto...

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Galbeed iyo Xubno ak tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Booliska ku leeyihiin Xaafada Suuwa Xoolaha ee Magaalada Baydhabo, waxaana halkaas...

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Garbahaareey oo ah Xarunta Gobolka Gedo. Howlgallada ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 10aad qeybta 43aad ee Gobolka Gedo Gaashaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan Faroole & Abanduulaha Ciidamada 43aad ee Gobolka Gaashaanle...