Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Howlgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa walaac weyn ka muujiyay war-saxaafadeed kasoo baxay Ergayga Joogtada ah ee Ethiopia u fadhiya Qaramada Midoobay. Howlgalka Soomaaliya, ayaa sheegay in nuxurka war-saxaafadeedka uu soo saaray ergayga Ethiopia uu yahay mid lagu marin habaabinayo, isku dayga sharci-darrada ah ee ay Itoobiya ku doonayso dhul Soomaaliyeed. Mar...

Ciidamada Israaiil ayaa weli sii wada duqaynta xooggan ay ku garaacayaan goobaha Dadka rayidka ah ee Magaalada Gaza waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo khasaara horleh oo gaaray Shacab ku sugan meelaha ay gabbaadsanayaan. Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Magaalada Gaza gacanta ku haya ayaa sheegtay in ugu yaraan 24 ruux oo u badan Carruur ay naftooda ku waayeen...

Waxaa Maanta oo Sabti ah garoonka Kubadda Cagta Injineer Yariisoow ee magaalada Muqdisho ka dhacaya banaanbax aad u balaaran oo lagu taageerayo heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhawaan dowlada Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga. Qabanqaabadii ugu dambeysay ee banaanbaxa ayaa si weyn uga socota garoonka Injineer Yariisow oo ku yaala degmada Cabdicasiis...

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay carqaladeyn lagu sameeyo diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, gaar ahaan marka ay marayaan hawada gobolada Waqooyi ee Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Fardowso Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in marar badan la marin habaabiyey diyaarado isticmaalayay...

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dil kale oo arxan daro ah ka dib markii nin uu Masaarta geedaha lagu jaro ku dilay nin kale. Dilkan ayaa barqanimadii maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Wadajir sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah. Masaarta ayaa la sheegay in ninkan uu si arxan daro ah ugu cel celiyey madaxa ninka uu dilay, taasoo sababtay inuu markiiba...

Somaliland ayaa shacabkeeda ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqday in ay ka baxaan magaalada, kadib dilal loo gaystay qaar kamid ah. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay in dilka loo gaystay Aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable, uu ka dhashay khilaafka hawada,  isaga oo ku tilmaamay cadaawad loo qabo shacabka Somaliland. Agaasimaha...

Kooxda Xuutiyiinta ee gacan-saarka la leh Iran ayaa sheegtay masuuliyadda, weerar cusub oo lagu qaaday markab laga leeyahay dalka Ingiriiska iyo weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka dhan ahaa markab dagaal oo Maraykanku leeyahay. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale waxay sheegteen inay qaadeen weeraro loo adeegsaday gantaallada meelaha durugsan gaadha,...

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo la xariirta wiil dhalinyaro ah oo inta la afduubtay la dilay. Afhayeen Doodishe ayaa sheegay in la garanayo ragii ka dambeeyay afduubka iyo dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ee lagu magacaabi jiray Abuukar...

Dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya, xilli saameynta Turkiga ku yeelanayo qaarada Afrika sii kordhayo. Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yasar Guler iyo dhiggiisa Jabuuti Xasan Cumar Maxamed ayaa wadahadal dheer ku yeeshay magaalada Ankara , waxa ayna labada dhinac kawada hadleen...

Ciidanka kumaandooska Gorgor iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ee gacanta ku haya magaalada Xarardheere ee gobolka Galgaduud ayaa soo saaray amarro cusub, kuwaas oo ay ku sheegeen laamaha amniga in ay ku xaqiijinayaan ammaanka magaalada. Taliska ciidanka oo la hadlay warbaahinta madaxa bannaan ayaa sheegay in magaalada gudaheed laga mamnuucay in xabad la rido...