Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare ayaa raalli-galin buuxda ka bixiyay hadal gef ku ahaa madax-bannaanida Soomaaliya oo dhowaan uu jeediyay kadib wareysi uu siiyay warbaahinta dalkiisa. Danjire Mukhtaar Maxamed Waare oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in si khaldan loo dhigay wareysigiisa ayada oo ujeedka uu yahay marin habaabin, balse wuxuu sheegay...

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad  Maxamed Baari Shire iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shirguddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Puntland. Kulanka maanta ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa akhrinta codsi kordhin...

Dagaal qaraar ayaa sabtidii ka qarxay degmada Khaan Yoonis ee Marinka Qasa kaas oo sababbay in rayid badan oo Falastiiniyiin ah ay u baxsadaan dhinaca koonfureed ee Marinka. Arintan ayaa imaanaysa xili uu ku adkeysanayo Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Bin Yamiin Netanyahu in uu soo afjarayo ururka Xamaas. Dagaalkan culus ayaa sidoo kale imaanaya iyadoo dooda u dhaxaysa...

Waxaa maanta markale dagaal culus uu ka qarxay deegaanka Iji oo ku yaala xadka ay wadagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo salka ku haayo muran la xariira dhul beereed halkaas ku yaala. Dagaalka maanta dhacay deegaanka Iji ayaa lasoo sheegaya...

Xoghayaha Guud ee Qaramada ayaa ku dhawaaqay magacaabista Raisedon Zenenga oo u dhashay Zimbabwe, inuu noqdo ku xigeenkiisa cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Qaramada Midoobay, Zenenga ayaa beddelaya haweeneyda u dhalatay dalka Ghana Anita Kiki Gbeho, taas oo uu Xog-hayaha Guud uga mahad-naqay...

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad gobaleedka  Jubaland ahna ku simaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada ciidanka ee Madhamaato oo ay dhawaan ka guureen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka ATMIS. Xeradan oo ay la wareegeen Ciidamada Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka maamulka Jubaland ayuu Madaxweynahu warbixin la...

Ciidanka Booliska Puntland qeybta gobolka Karkaar ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane lagu magacaabo Abdirahman Mohamud Ali Musse Siilaanyo, kadib markii laamaha amniga ay howlgalo ka sameeyeen xaafaddaha magaalada Qardho. Abdirahman Mohamud ayaa ku eedeysay in xalay gudaha magaalada Qardho uu dil ugu geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Mohamud Cali Mohamud oo kamid ahaa...

Maraykanka ayaa Turkiga u ogolaaday in uu ka iibiyo diyaaradaha qaaska u ah gaar ahaan nooca loo yaqaan F-16 oo lagu qiimeeyay lacag dhan $23 Bilyan oo Doollar sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan waaxda difaaca Dalkaas. Tallaabadaas waxa ay ka dhalatay kaddib markii Turkiga uu Dalka Sweden u ogolaaday in uu xubin ka noqdo Isbahaysiga NATO, waxaana jiray ballanqaad...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan, isla markaana argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu guri ku yaalla degmadaas uu ku gubay xaaskiisa iyo caruurtiisa, kadibna uu baxsaday. Wararka...

Duqayn ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka & Saaxiibadeed ka gacan-siiya dhinaca duqaymaha ayaa ka markale muddo 5 cisho gudahood lagu beegsaday Magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug. Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay duqayntaan waxa ay ku sheegtay in lagu beegsaday xubno katirsan ‘AS’ inkasta oo ay...