Madaxweyne ku xigeenkan Jubbaland oo kormeer ku tagay Xerada Madhamaato oo dhawaan laga saaray ciidamada Itoobiya

by admin | Saturday, Jan 27, 2024 | 77 views

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad gobaleedka  Jubaland ahna ku simaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada ciidanka ee Madhamaato oo ay dhawaan ka guureen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka ATMIS.

Xeradan oo ay la wareegeen Ciidamada Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka maamulka Jubaland ayuu Madaxweynahu warbixin la xiriirta ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada ee la wareegay xeradan oo ay in mudo ah daganayeen Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa kasocday dalka Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubaland Gen Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta 43-aad Gen Cali Maxamed Maxamuud Bagmadoow ayaa Ciidanka ATMIS kala wareegay Xerada madhamaato ee duleedka Magaalada Kismaayo, maalnimadii shalay.

Xeradaan madhamaato oo sanooyin badan ay ku sugnaayeen ciidanka Itoobiya ee katirsan ATMIS ayaa waxaa wareejiyay Taliyaha Qeybta Lixaad ee ATMIS Gen. Lucas Kutto, ka dib munaasabad ka dhacday xerada.

Ka guurista ciidanka xeradaan ayaa ku soo beegmaysa xilli uusan wanaagsaneen xiriirka ka dhaxeera Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib tallaabadii uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isaga oo heshiis is afgarad la saxiixday Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi.

May be an image of 6 people

 

Like it? Share it!

Leave A Response