Laamaha Amniga Puntland oo gacanta kusoo dhigay Nin Dil geystay.

by admin | Saturday, Jan 27, 2024 | 57 views

Ciidanka Booliska Puntland qeybta gobolka Karkaar ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane lagu magacaabo Abdirahman Mohamud Ali Musse Siilaanyo, kadib markii laamaha amniga ay howlgalo ka sameeyeen xaafaddaha magaalada Qardho.

Abdirahman Mohamud ayaa ku eedeysay in xalay gudaha magaalada Qardho uu dil ugu geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Mohamud Cali Mohamud oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka Adisoone ee Gobolka Karkaar, Taliska Booliska oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in cdaalada la horgeyn doono Abdirahman Mohamud oo dilay Mohamud Cali.

Laamaha amniga Puntland ee magaalada Qardho ayaa sidaan waxay marar badan gacanta ugu soo dhigeen rag dilal ka geystay magaaladaasi iyo burcad hubeysan oo dhacay gaadiid ay lahaayeen dad shacab ah.

Like it? Share it!

Leave A Response