Antonio Gutters oo magacaabay ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

by admin | Saturday, Jan 27, 2024 | 66 views

Xoghayaha Guud ee Qaramada ayaa ku dhawaaqay magacaabista Raisedon Zenenga oo u dhashay Zimbabwe, inuu noqdo ku xigeenkiisa cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Qaramada Midoobay, Zenenga ayaa beddelaya haweeneyda u dhalatay dalka Ghana Anita Kiki Gbeho, taas oo uu Xog-hayaha Guud uga mahad-naqay hawlihii ay ka qabatay Soomaaliya.

ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hadda ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Isuduwaha Hawlgalka Qaramada Midoobay  ee Liibiya (UNSMIL) tan iyo 2020.

Waxa uu hore u soo qabtay xilalka Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan (UNMISS).

Mr. Zenenga wuxuu leeyahay khibrad ku aaddan dhex dhexaadinta, maaraynta hawlgallada nabadda, iyo la shaqaynta dawladaha iyo daneeyayaasha kale ee goobaha colaadaha.

Like it? Share it!

Leave A Response