Dagaal Beeleed khasaare geystay oo Maanta markale dib uga qarxay deegaanka Iji

by admin | Sunday, Jan 28, 2024 | 65 views
Waxaa maanta markale dagaal culus uu ka qarxay deegaanka Iji oo ku yaala xadka ay wadagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo salka ku haayo muran la xariira dhul beereed halkaas ku yaala.

Dagaalka maanta dhacay deegaanka Iji ayaa lasoo sheegaya inuu socday ku dhawaad sadax saacadood oo xiriir ayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka maanta ay ku dhinteen ilaa afar ruux oo isugu labada dhinac ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Dagaalkaan ayaa daba socda dagaal maalmo kooban ka hor ku dhexmaray deegaankaan Iji, labada Maleeshiyo beeleed oo kala ah Xawaadle iyo Abgaal.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa ee naga soo gaaraya deegaanka Iji ayaa sheegaya in haatan xaaladu tahay mid degan oo uu joogsaday dagaalka, hayeeshee aysan wali kala fogeyn labada maleeshiyo beeleed.

 

Like it? Share it!

Leave A Response