Dagaalka ka socda Khaan Yoonis oo sii xooggaystay & Dadka rayidka ah oo barakacay

by admin | Sunday, Jan 28, 2024 | 63 views

Dagaal qaraar ayaa sabtidii ka qarxay degmada Khaan Yoonis ee Marinka Qasa kaas oo sababbay in rayid badan oo Falastiiniyiin ah ay u baxsadaan dhinaca koonfureed ee Marinka.

Arintan ayaa imaanaysa xili uu ku adkeysanayo Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Bin Yamiin Netanyahu in uu soo afjarayo ururka Xamaas.

Dagaalkan culus ayaa sidoo kale imaanaya iyadoo dooda u dhaxaysa Israa’iil iyo Hay’adda Qoxootiga Falastiiniyiinta Qaramada Midoobay ay ka sii darayso taas oo ku aadan xaaladda bini’aadanimo ee Marinka Qasa.

Hay’adda ayaa sheegtay in shaqada laga saaray dhawr qof oo u shaqaynayay kaddib markii Israa’iil ay ku eedeysay in ay ku lug lahaayeen weerarkii Israa’iil lagu qaaday 7 Oktoobbar ee sanad kii hore, arintan oo keentay in ay dib uga maagaan qaar kamid ah wadamadii hay’addan maalgalin jiray.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa Sabtidii Sheegay in Israa’iil u baahan tahay damaanad buuxda oo ku saabsan Hay’adda Unurwa oo ka shaqaysa arimaha caafimaadka iyo tacliinta qoxootiga Falastiiniyiinta.

Ol’olaha milatari ee Israa’iil ayaa bilowday wax yar uun kaddib markii Xamaas ay ku qaaday weerar lagu hoobtay gudaha Israa’iil halkaas oo ay ku dishay 1140 Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo badankood ay rayid ahaayeen sida laga soo xigtay wakaaladda Faransa Barees.

Xamaas ayaa sidoo kale afduubatay 250 qof , waxayna Israa’iil sheegeysaa in 132 kamid ah wali lagu haysto Qasa, kuwaas oo ay ku jiraan maydadka ugu yaraantii 28 qof.

Duulaanka Israa’iil ayaa isna sababbay sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiiniyiinta dhimashada 26,257 qof oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo badankood ay yihiin haween iyo caruur

Like it? Share it!

Leave A Response