Weerar duqayn loo adeegsaday oo markale ka dhacay Magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

by admin | Saturday, Jan 27, 2024 | 80 views

Duqayn ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka & Saaxiibadeed ka gacan-siiya dhinaca duqaymaha ayaa ka markale muddo 5 cisho gudahood lagu beegsaday Magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay duqayntaan waxa ay ku sheegtay in lagu beegsaday xubno katirsan ‘AS’ inkasta oo ay shaacisay in ay dib kasoo gudbin-doonto khasaaraha iyo xogta weerarkaan.

Dowladdu waxa ay xaqiijisay in uu weerarkaan dhacay isla markaana ay iska kaashadeen Saaxiibada Caalamiga ah ee dhinaca weerarrada Cirka ah ka gacansiiya si ay uga hortagaan qaraxyada & weerarrada waa sida ay hadalka u dhigeen.

Duqayntii tan ka horraysay ee Galhareeri ka dhacday waxa ay Dowladdu sheegtay in lagu dilay ugu yaraan 30 xubnood oo katirsan ‘AS’ kuwaas oo qaarkood ay shaacisay magacyadooda dhammaystiran iyo kuwa ay ku howlgalayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response