Dhacdo argagax leh: Nin xaaskiisa iyo caruurtiisa ku gubay guri ku yaal Muqdisho.

by admin | Saturday, Jan 27, 2024 | 69 views

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan, isla markaana argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu guri ku yaalla degmadaas uu ku gubay xaaskiisa iyo caruurtiisa, kadibna uu baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in ninka uu maseeray, kadibna uu sidaas dab ku qabadsiiyay guriga oo ay ku sugnaayeen xaaskiisa iyo carruurtiisa.

“Caag shidaal ku jiro ayuu watay guriga ayuu bilbilay, kadib jante ayuu soo qaatay, wuuna gubay” ayuu yiri⁹ qof kamid ah dadka deegaanka oo ka warbixinayay falkaasi.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray “Wuu ku xiray qolka markii uu dabka ku qabtay , kadibna wuu ka cararay”.

Haweeneyda oo lagu magacaabo Luul Cabdicasiis ayaa la sheegay inay lahayd uur lix bilood ah, waxaana deg-deg ah, ayada oo dhaawac ah loola cararay isbitaalka.

Waxaa sidoo kale dhaawac uu soo saaray wiil yar oo isna lagu magacaabo Sayd Cali Macallin Daa’uud.

Dhanka kale waxaa haatan baaritaano dheeraad ah wada ciidamada ammaanka dowladda oo baadi goobaya eedeysanaha oo la sheegay inuu goobta uga baxsaday gaari.

Arrintan la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay tahay dhacdo ugub ah oo si weyn looga argagaxay, sidoo kalena si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada

Like it? Share it!

Leave A Response