Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ururka haweenka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kan degmada jowhar ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deego hoostaga degmada mahadaay ee gobalka shabeelaha dhexe iyo Degmada Jalalagsi Ee Gobalka Hiiraan in la joojiyo. Hoos ka dhageyso warbixin uu ka diyaariyay Bashiir abdulahi osmaan http://www.reegaay.com/wp-content/uploads/2024/01/Ururka-Haweenka-Shabeellada-dhexe-oo-ku-Baaqay-joojinta-dagaal-beeleed.mp3 ...

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Jeex jeexa ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaankaas. Howlgalka oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa la sheegay in lagu dilay horjooge Ajinabi ah oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta deegaanada maamulka Galmudug. “Howlgalkan...

Waxaa laga helay dalka Kenya gaar ahaanna gobolka Waqooyi Bari kiisas cusub oo cudurka dabaysha ah, kaas oo ka mid ah hadda cududrrada adduunka laga dabar goynayo. Illaa dhowr iyo toban kiis oo cudurkan faafa ah ayaa lagasoo sheegayaa deegaannada Ismaamulka Gaarisa. Cali Amiin oo ah agaasimaha ka hortagga cudurrada faafa ee Ismaamulka Gaarisa oo BBC-da uga warramay arrinkan...

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa sheegay in dagaal beeleedka ka socda xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iney hurinayaan Ururka Al-shabaab. Wuxuu sheegay in dagaalka u dhaxeeya beelaha Abgaal iyo Xawaadle ee maalmahii lasoo dhaafay ka socday deegaanka Iji iney ka dambeeyaan Al-shabaab. “Nimankii...

Wasiirro katirsan Xukuumadda Israaiil ayaa wada qorshe cusub oo la xiriira sidii ay bannaanka usoo dhigi lahaayeen damacooda ah in Dhul cusub oo katirsan Magaalada Gaza ay deegaan ka dhigtaan si ay qiil uga dhigtaan in ay kahortagaan duullaanka kusoo wajahan. Ciidanka Israaiil oo adeegsanaya Gawaarida wax burburiya ayaa billaabay in ay dumiyaan dhismaha kooban ee ka haray...

Gudomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan ayaa kormeeray Saldhiga Booliska Degmada jalaqsi oo Bur Bur xoogan ka muuqdo. Maamulka degmada Jalalaqsi ayaa ku shaqeeya guryo kira ah iyadoona aanay heeysam ciidanka ka howlagla degmada wax gaadiid ah. Warbixintan waxaa soo jeedinaya :Bashiir abdulahi osmaan Hoos...

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo muddooyinkan ka socday Stadium Muqdisho. Ciyaarta galabta oo kama dambeys ah ayaa waxaa isku dhici doono xululka Galmudug iyo HirShabelle oo isugu haray Finalka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka. Kulanka...

Dowlad Soomaaliya ayaa sheegtay hawgalka ka dhacay magaalada Buq-aqable ee gobalka Hiiraan ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka. Warkooban oo ka soo baxay dowladda ayna faafisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa lagu yiri, “Howlgal aad loo qorsheeyay oo lagu laayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay kulan deg-deg ah ka yeesheen xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda. Kulankan oo lagu soo qaadi doono xaaladda Geeska Afrika ayaa waxaa si gaar ah diiradda lagu saarayaa arrimaha soo kordhay, siiba khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa. Soomaaliya...