Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidamada Yuhuudda ee Beegsanaya Dadka Falastiiniyiinta ah ayaa kordhiyay weerarrada cirka ah oo ay ka gaysanayaan Dhulka Falastiin, meel u dhow naxaawiga magaalada Rafax oo xigta Xadka Gaza & Masar ayay ciidamadu ka fuliyeen weerar culus. Goobta la duqeeyay waxaa ku sugan boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo naftooda kala soo baxsaday Magaalooyinka Ciidamada Israaiil...

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Shalay uu halkaasi si naxariis daro ah uu ugu dilay nin dhalinyaro ah Xaaskiisa. Ninka ayaa dilka Xaaskiisa u adeegsaday sida la sheegay Tooreey af badan oo uu kaga dhuftay dhowr meelood oo halis badan, waxaana la tilmaamay in qoyska uu ka dhex jiray khilaaf. Ciidamada...

Warar dheeraad ah aya kasoo baxaya howlgallo dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidamada hay’adda NISA iyo saaxibada caalamiga ah, kaas oo ka dhacay gobolka Galgaduud, laguna beegsaday xarun ay lahayd Al-Shabaab. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in si gaar ah loogu qaaday deegaannada kala ah Jacar iyo Garab la’ oo ka tirsan gobolka...

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Shub) ayaa ka warbixiyay xaaladda xabsiga dhexe oo ay ku jiraan maxaabiis fara badan oo Soomaaliyeed. Taliye Shub oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto xabsiga, isla-markaana halis ku ah nolosha maxaabiista halkaasi ku xiran. Taliyaha ayaa sheegay in qaar...

Somali Journalists Syndicate – SJS  waxay walaac ka muujisay hanjabaadaha iyo is-hortaagga ay la kulmaan saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta ee soo tebiya howlaha baarlamaanka ee Golaha Shacabka. 22-kii Janaayo, saraakiisha #NISA iyo booliiska ayaa u diiday in ay booqdaan wariyaasha TV-ga Somali Cable TV, kuwaas oo doonayay in ay tabiyaan howlaha Aqalka Hoose...

Ukraine iyo Ruushka ayaa labaduba shaaciyay in Arbacadi shalay ay is weydaarsadeen ilaa 400 oo maxaabiis dagaal ah, midkiiba laba boqol, xilli uu wali sii socdo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac. Maxaabiista shalay la is weydaartay ayaa ku soo aadday, maalmo yar kadib marki diyaarad millatari oo ah nuuca xamuulka qaadda uu Ruushka sheegay in ay gantaal ku dhufteen ciidamada...

Gudoomiyaha magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta  ayaa beeniyay  Warar Saacadahii lasoo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafiyay kuwaas oo ku saabsanaa in Ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan halgan . Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin Ciidamo itoobiyaan ah oo ka baxayo Degmada Halgan, lakiin waxaa uu sheegay in qaar kamid ah...

Hay’adda caalamiga ah ee daahfurnaanta adduunka  ayaa waxay soo saartay warbixinteeda sanadlaha ee ay ku qiimayso heerka musuqmaasuqa adduunka (CPI). Hay’addu waxay baartay 180 waddan oo mid walba lagu qiimeeyay 100-dhibcood. Qorayaasha warbixintan waxay tilmaameen in dhibaatada musuqmaasuqu aanay wax badan iska beddelin adduunka oo dhan. Hay’addu waxay sheegtay...

Kalfadhiga 4aad kulankiisa 13aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa shir guddoominaayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar. Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa: 1) Dhaarinta Wasiiradda Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud. 2) Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda...

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu oo ka hadlay Wararka sheegaya in heshiis xabbad-joojin ah ay Xukuumaddiisa la galayso Xamaas ayaa durba lasoo booday in aanay marnaba ciidanka Yuhuudda dib uga bixi doonin Magaalada Gaza. Benjamin Netanyahu oo dareensan culayska dhinacyada kala duwan uga imaanaya ayaa kasii afeeftay qorshaha ciidamada Yuhuudda dib looga...