Maamulka Halgan oo War Kasoo saaray Wararka sheegayo Bixitaanka Ciidamada Itoobiya.

by admin | Thursday, Feb 1, 2024 | 75 views

Gudoomiyaha magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta  ayaa beeniyay  Warar Saacadahii lasoo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafiyay kuwaas oo ku saabsanaa in Ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan halgan .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin Ciidamo itoobiyaan ah oo ka baxayo Degmada Halgan, lakiin waxaa uu sheegay in qaar kamid ah guryo ay ka dhax daganaayeen Magaalada ay ka baxeeyn shalay , markii dadkii iska lahaa ay dalbadeeyn in looga baxo.

 

Gudoomiya  ayaa ugu baaqay Bulshada in ay is dajiyaan oo ay ka shaqeeyaan Nabada Magaalada Halgan, Ciidamada Itoobiya ayuu sheegay in Dowlada Soomaliya iyo Howlgalka Midowga Africa ay dajiyeen Halgan, wax si fudud ku bixi karane aysan aheeyn.

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa lagu ammaanay kaalintii ay ka qaateen soo celinta amniga iyo xasilloonida gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele ee Soomaaliya.

 

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS u qaabilsan dhanka saadka iyo taakuleynta, Sar. Gas. Peter Kimani Muteti oo xili hore ka hadlayey munaasabad uu  guddoominayay oo ka dhacdey magaalada Beledweyne oo billad sharaf lagu guddoonsiiyey ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya oo soo dhameystay hawlgalkoodii halka sano ahaa, ayaa. ku bogaadiyay ciidamada Itoobiya sida ay ugu guuleysteen inay Al Shabaab ka saaraan goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen, isla markaana ay sugaan ammaanka gobolka.

 

“Waxaan xusuustaa sida dhawaan laydinku igmaday habeenimo inaad madaafiicda ku garaacdaan degmada Maxaas iyo sida aad xilkaas uga soo baxdeen oo meelahii saxda ahaa ula hesheen  madaaficda. Dhammaanteen waxaan la dhacsannay jawaabtaa degdegga ah ee xirfadda leh,” ayuu yiri Sar. gas. Muteti oo matalayey madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef.

 

 

 

Waxaad qabateen waa wax wadankiina ku faani karo sababtoo ah markii la fiiriyo Qeybta Afaraad waxaad aheydeen kuwo mar walba utaagan shaqo iyo wax qabad, waxaadna sii wadeen  taageerada howlgallada wadajirka ah ee aad la laheydeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Aad iyo aad ayaan idiinku mahadcelinaynaa, waana idinku bogaadinaynaa dadaalkiina,” ayuu raaciyay.

 

Qeybaha ATMIS, qeybta afaraad waxay hoos timaadaa Aagga Mas’uuliyadda wadajirka ah ee Ciidamada Itoobiya iyo Jabuuti oo xaruntoodu tahay magaalada Beledweyne.

 

Ciidamada Itoobiya ee saldhigoodu yahey Halgan iyo Maxaas oo ay wehliyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah howlgalo uga sameeyay Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ka hor wejigii labaad ee duulaanka lagu xoreynayo deegaanada ku harsan gacanta Al-Shabaab.

W/D .Bashiir abdulahi osmaan

 

Like it? Share it!

Leave A Response