Russia iyo Ukraine oo maxaabiis dagaal is dhaafsaday

by admin | Thursday, Feb 1, 2024 | 52 views

Ukraine iyo Ruushka ayaa labaduba shaaciyay in Arbacadi shalay ay is weydaarsadeen ilaa 400 oo maxaabiis dagaal ah, midkiiba laba boqol, xilli uu wali sii socdo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.

Maxaabiista shalay la is weydaartay ayaa ku soo aadday, maalmo yar kadib marki diyaarad millatari oo ah nuuca xamuulka qaadda uu Ruushka sheegay in ay gantaal ku dhufteen ciidamada Ukraine. Moscow waxay sheegtay in dayaaraddaasi sidday maxaabiis dagaal oo reer Ukraine ah.

Wasaaradd Difaaca Ruushka ayaa sheegtay, in labada waddan uu midkiiba sii daayay 195 maxbuus dagaal. Dhanka Ukraine, madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in 207 maxbuus dagaal oo u dhashay Ukraine la xoreeyay.

Hey’adda xuquuqda aadanah Ukraine ayaa sheegtay, in 50 jeer oo hore ay Ruushka iyo Ukraine is weydaarsadeen maxaabiis dagaal, tiradaasina ay hadda gaartay 3,035 oo askari tan iyo inti uu bullowday dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine

Like it? Share it!

Leave A Response