Madaxweynaha Soomaaliya oo Nayroobi kaga qayb galaya shirka madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka.

by admin | Monday, Apr 29, 2024 | 24 views

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo uu kaga qayb-galayo shirka madaxda Afrika iyo kuwa Bangiga Adduunka oo berri furmaya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda horumarinta caalamiga ah ee IDA oo hoos tagta bangiga adduunka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo rajada maalgashi ee qaaradda Afrika, iyadoo sidoo kale la isla soo qaadi doono istaraatiijiyad kor loogu qaadayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.

Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamuud uu kulamo dhinaca kale ah la qaadan doono madaxda kale ee Afrika iyo mas’uuliyiinta ururka horumarinta caalamiga ah si loo dardargeliyo wada shaqeynta Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadda.
Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo Soomaaliya laga cafiyay deymaha muddada dheer lagu lahaa, taasoo fursad u siisay dalka inuu soo jiito maal-gashi iyo mashaariic horumarineed.

Bishii Disembar 2023, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay $4.5 bilyan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha kadib markii ay dhameysteen sannado badan oo dib u habeyn lagu sameeyay dhaqaallaha hoos yimaada Hindisaha Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan leh (HIPC). Hindisaha waxaa bilaabay 1996 IMF iyo Bangiga Adduunka si ay u caawiyaan wadamada ugu saboolsan adduunka si ay u gaadhaan joogteynta deynta.

Like it? Share it!

Leave A Response