Howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo laga sameeyay deegaano hoostaga Buulaburte

by admin | Monday, Apr 29, 2024 | 24 views
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyey saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan is kaashanaya ayaa howlgalada ka sameeyay deegaanada kala ah Hilweyn, Caag bashiir, Biya madoobe iyo Beera yabaal oo ah dhamaantood ah deegaano ka tirsan degmada Buulaburte.

Deegaanadaan ciidanku howlgalada ka fuliyeen ayaa intooda badan ah kuwa ku yaala jiinka wabiga Shabeelle oo ay kooxda Al-shabaab kasoo abaabulaan weerarada ay ka geystaan magaaloyinka Buulaburte iyo Halgan.

Taliyaha Ururka 8-aad guutada18-aad ee ciidanka Gor gor oo howlgalada hogaaminayay ayaa sheegay in ciidamada is garabsanaya ay weerareen goobo ay ku dhuumaleysanayeen kooxdu, islamarkaana ay burburiyeen gabaadyadoodii.

Wuxuu sidoo kale sheegay Taliyaha in howlgalada noocaan ah oo ay uga hortagayaan weerarada kooxda Al-shabaab iney sii wadi doonaan inta ay ka ciribtirayaan xubnaha kooxda Al-shabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response