Netanyahu: “Marnaba kama bixi doonno Magaalada Gaza”.

by admin | Wednesday, Jan 31, 2024 | 85 views

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu oo ka hadlay Wararka sheegaya in heshiis xabbad-joojin ah ay Xukuumaddiisa la galayso Xamaas ayaa durba lasoo booday in aanay marnaba ciidanka Yuhuudda dib uga bixi doonin Magaalada Gaza.

Benjamin Netanyahu oo dareensan culayska dhinacyada kala duwan uga imaanaya ayaa kasii afeeftay qorshaha ciidamada Yuhuudda dib looga saarayo goobaha cusub ay difaacyada ka dhigteen wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar 2023.

Netanyahu oo maanka ku haya dhibaatada kasoo gaartay dagaallada socda 117ka cisho kuna waayay saraakiil iyo xubno muhiim u ah isla markaana khasaaraha maaliyadeed ee xooggan kasoo gaaray dagaalladaas ayaa ku madax adag in ciidankiisu sii joogaan Magaalada Gaza.

Xamaas ayaa shuruudaha ay hordhigtay heshiiska ay la galayso Israaiil waxaa ka qayb ah: in xabbad-joojin aan xadidnayn la gao, in Ciidanka Yuhuuda ay isaga baxaan Dhulka cusub ee dagaalka markii uu billowday kaddib isku ballaariyeen & sii daynta Maxaabiista u xiran.

Dhaqdhaqaaq Xamaas ayaa gacanta ku haya Maxaabiis ay kasoo qabsadeen Yuhuudda waxaana kamid ah Ciidamo & saraakiil ay kasoo kaxaysteen xeryihii ay weerarka ku beegsadeen dagaalkii ay qaadeen 7dii Oktoobar 2023 halka ay sii daayeen qaar kamid ah Dadkii rayidka ahaa oo ay maxaabiis falastiniiyiin ah ku baddesheen.

Like it? Share it!

Leave A Response