Taliye SHUB oo shaaca ka qaaday halis weyn oo ka taagan xabsiga dhexe.

by admin | Thursday, Feb 1, 2024 | 74 views

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Shub) ayaa ka warbixiyay xaaladda xabsiga dhexe oo ay ku jiraan maxaabiis fara badan oo Soomaaliyeed.

Taliye Shub oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto xabsiga, isla-markaana halis ku ah nolosha maxaabiista halkaasi ku xiran.

Taliyaha ayaa sheegay in qaar kamid ah maxaabiista ‘ay qabaan xanuunka HIV AIDS, kuwa kalena ay qabaan Tiibisho iyo Cagaarshow’ oo kamid ah cudurada faafa.

“Meeshaan dad badan ayaa ku xiran oo Soomaaliyeed ninba waxbaa lagu keenay cid og malaha nin kasta waaran ayaa loo soo gooyay kadib xabsiga ayaa la keenay, haddii uu doono AIDS ayuu qabaa ama TB, iyo cagaarshow” ayuu yiri taliyaha Asluubta.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadka qaar la keeno, iyaga oo xanuunsan, kuwa kalena ay meesha kula dhacaan xanuunada, daryeel la’aan ka jirta aawgeed.

“Ummadda waa isku dhex jirtaa ku isaga oo fiyow ayaa la keenay waxaa laga yaabaa in isaga oo meesha ku jira uu cudurka ka qaaday si loola socdo malaha” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda caafimaadka iyo hay’adaha dowladda, isaga oo ugu baaqay inay gurmad lasoo gaaraan xabsiga dhexe.

“Isbitaallada ha noqdeen, hay’adaha dowladda ha noqdeen waxaan ka dooneynaa inay noo soo gurmadaan oo ay ka qayb qaataan samata bixinta maxaabiistia” ayuu mar kale yiri.

Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa marar badan laga soo wariyay xaalado nololeed, waxaana xittaa ay gaartay baarlamaanka oo markii dambe guddi u xil-saaray xaaladda maxaabiista.

Like it? Share it!

Leave A Response