Ciidanka Israaiil oo Duqayn ka gaystay meel u dhow Xadka Masar

by admin | Saturday, Feb 3, 2024 | 51 views

Ciidamada Yuhuudda ee Beegsanaya Dadka Falastiiniyiinta ah ayaa kordhiyay weerarrada cirka ah oo ay ka gaysanayaan Dhulka Falastiin, meel u dhow naxaawiga magaalada Rafax oo xigta Xadka Gaza & Masar ayay ciidamadu ka fuliyeen weerar culus.

Goobta la duqeeyay waxaa ku sugan boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo naftooda kala soo baxsaday Magaalooyinka Ciidamada Israaiil ay duqaynta arxan-darrada ah ku garaacayaan waxaana markale ay galeen xaalad kale oo cabsi ah.

Warbaahinta ayaa aad u hadal haysa duqaynta ciidamada Yuhuudda ay ka gaysteen meel u dhow Xadka Masar iyada oo lagu lifaaqay xiriirka sii xumaanaya ee Israaiil iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar oo muddooyinkii dambe aad u sii xumaanayay.

Saraakiil katirsan ciidamada Yuhuudda ayaa horay usoo bandhigay damacooda ah in ay saldhigtaan deegaannada dhaca xadka Masar waxaana ay u cuksadeen go’aankaas in Xamaas ay hubka ka hesho dhinaca Masaarida inkasta oo Xukuumadda Qaahira diiday hadalkaas.

Wasiirka Difaaca Israaiil ayaa sheegay in dhankooda ay qaadayaan howlgallo ka dhan ah dhinacyada hubaysan ee dagaalka u galay sidii dhulkooda ay uga ceshan lahaayeen ciidamada Israail & Dalalka Xulufada la ah ee dagaalkaas ku garab taagan.

Weli Dowladda Masar war kama soosaarin arrintaan aadka loo hadal hayo waxayse u badan tahay in ay ka falcelin arrintaan baraha Bulshada qabtay, Suxufiyiinta Masar ku sugan weli ma sheegin haddii Dowladda ka hadlayso arrintaas & in kale.

Like it? Share it!

Leave A Response