BOOLISKA oo farriin culus diray, kahor ciyaarta Galmudug iyo HirShabelle.

by admin | Monday, Jan 29, 2024 | 79 views

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo muddooyinkan ka socday Stadium Muqdisho.

Ciyaarta galabta oo kama dambeys ah ayaa waxaa isku dhici doono xululka Galmudug iyo HirShabelle oo isugu haray Finalka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka.

Kulanka galabta oo ah mid xiiso badan ayaa waxaa haatan socda diyaar garow xoogan, waxaana durbo garoonka kusii qul-qulaya taageerayaasha labada dhinac.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa looga hadlay ciyaarta, ayada oo farriin nabadeed loo diray kooxaha labada dhinac iyo taageerayaashooda, taas oo la xiriirta amniga.

“Farriin Nabadeed Muwaadin cayaaruhu waa isdhexgal Bulsho iyo aalad lagu muujiyo nabada iyo hormarka dalka ka jira. Hadaba, ka qeyb qaado sugida amniga ka hor cayaarta. Inta cayaartu socoto iyo cayaarta ka dib.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale wuxuu Boolisku sheegay inay heegan ku jiraan, si loogu sugo amniga garoonka iyo badqaba ciyaartoyda labada kooxood.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Ciidamada kale ee amaanku waxey diyaar u yihiin sugida amniga iyo badqabka dadweynaha.” ayaa mar kalen lagu yiri farriinta Booliska.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Qof walba masuuliyad ayaa ka saaran fulinta ujeedooyinkaas. Mahadsanidiin”.

Like it? Share it!

Leave A Response