Xubno ka tirsan AS oo lagu dilay magaalada Buq-aqable ee gobalka Hiiraan.

by admin | Monday, Jan 29, 2024 | 73 views

Dowlad Soomaaliya ayaa sheegtay hawgalka ka dhacay magaalada Buq-aqable ee gobalka Hiiraan ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka.

Warkooban oo ka soo baxay dowladda ayna faafisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa lagu yiri, “Howlgal aad loo qorsheeyay oo lagu laayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan.”

Sidoo kale warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sii yiri, “Howlgalka ayaa lagu beegsaday laba gaari oo ay saarnaayeen Horjoogayaal Khawaarij ah oo aad loo doon doonayay.”

Hawlgalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada dowlada iyo saaxiibada caalamka ay hawgallo qorsheesan ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, kaas oo ay dowladdu sheegtay in ay ku disho in ka badan 30 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response