Israaiil oo damacsan in Dhul cusub ay ka qaadato Magaalada Gaza.

by admin | Monday, Jan 29, 2024 | 75 views

Wasiirro katirsan Xukuumadda Israaiil ayaa wada qorshe cusub oo la xiriira sidii ay bannaanka usoo dhigi lahaayeen damacooda ah in Dhul cusub oo katirsan Magaalada Gaza ay deegaan ka dhigtaan si ay qiil uga dhigtaan in ay kahortagaan duullaanka kusoo wajahan.

Ciidanka Israaiil oo adeegsanaya Gawaarida wax burburiya ayaa billaabay in ay dumiyaan dhismaha kooban ee ka haray Guryaha ay duqaynta & gantaallada culus ay ku dumiyeen Yuhuudda si ay difaacyo halkaas uga dhigtaan.

Dad badan ayaa ka barakacay guryahooda kaddib markii ciidamada Israaiil ay duqayn arxan-darro ah ku beegsatay goobaha dadka rayidka ah ay ku sugan yihiin sida Iskuullada, Isbitaallada & Xeryaha Barakacayaasha.

Xamaas ayaa wacad ku martay in ay kahortagayso qorshaha cusub ee Israaiil ay ku damacsan tahay in ay ku dhisato dhul cusub oo Gaza katirsan waxaana ay sheegeen in ay dhibaato ka badan tan ay haatan u gaysteen in ay gaarsiin doonnaan.

Qaramada midoobay waxaa loo gudbiyay bayaan ka dhan ah Israaiil halka Maraykanka uu horay ugu digay Yuhuudda waxaana Washington ay u sheegtay Tel Aviv in aanay suuragal noqon Karin deegaanaysi cusub oo ka samaysata Magaalada Gaza.

Like it? Share it!

Leave A Response