Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa u xushay in garsooraha heerka caalamiga ah ee Kaafi Xasan Shiine uu dhex dhexaadiyo kulanka adag ee kama dambeysta tartanka Dawlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Garsooraha ayaa dhexdhexaadin doona ciyaarta finalka ay wada ciyaari doonan xulalka kala matalaya dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, oo taariikhda markii ugu horreysay isku arkaya finalka tartankaan. Garsoore Kaafi Xasan Shiine oo loo xushay ciyaartaan ayaa waxa uu ka mid yahay garsoorayaasha caalamiga ah ee u diiwaangashan Hay’adda FIFA, waxaana uu hore uga soo muuqday kulamo ka tirsan tartankan. Garsoore Kaafi ayaa warbaahinta dalka ee ka faaloota arrimaha ciyaaraha u soo jeedisa in Garsoore Kaafi Xasan loo xusho, maadaama uu yahay garsoore qibrad u leh dhexdhaxaadinta ciyaarahaan oo kale.

by admin | Monday, Jan 29, 2024 | 71 views

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa u xushay in garsooraha heerka caalamiga ah ee Kaafi Xasan Shiine uu dhex dhexaadiyo kulanka adag ee kama dambeysta tartanka Dawlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Garsooraha ayaa dhexdhexaadin doona ciyaarta finalka ay wada ciyaari doonan xulalka kala matalaya dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, oo taariikhda markii ugu horreysay isku arkaya finalka tartankaan.

Garsoore Kaafi Xasan Shiine oo loo xushay ciyaartaan ayaa waxa uu ka mid yahay garsoorayaasha caalamiga ah ee u diiwaangashan Hay’adda FIFA, waxaana uu hore uga soo muuqday kulamo ka tirsan tartankan.

Garsoore Kaafi ayaa warbaahinta dalka ee ka faaloota arrimaha ciyaaraha u soo jeedisa in Garsoore Kaafi Xasan loo xusho, maadaama uu yahay garsoore qibrad u leh dhexdhaxaadinta ciyaarahaan oo kale.

May be an image of 3 people, people playing soccer, people playing football and text

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response