Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Kulan loo balansanaa in uu dhex maro wasiirada gaashaandhiga ee Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa la baajiyay iyada oo uu sii socdo khilaafka diblomaasiyadeed ee ku saabsan heshiis cusub oo dhanka amniga ah oo dhex maray Maraykanka, Australia iyo Britain. Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Macron iyo Biden ay ka wada hadli doonaan arrinta maalmaha soo socda...

Vietnam waxay ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh arrimaha Soomaaliya inay xalliyaan khilaafaadka oo ay wax walba ka hormariyaan danaha qaranka si ay u xalliyaan xiisadda siyaasadeed ee taagan, ayuu yiri Danjire Pham Hai Anh, Ku -xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Vietnam ee Qaramada Midoobay. Danjire Pham Hai Anh oo ka hadlayay kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay...

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo lagu weerarray dhismaha cusub ee garoonka Buula-burde ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Qaraxyada oo lagu xiray dhisme cusub oo loogu talagalay dadka ka dhoofaya ama ka soo dagaya garoonka inay sii maraan ayaa gabi ahaanba dhulka lagu daray sida ay muujinyaan sawiro laga soo qaaday. Maamulka deegaanka ayaa ku eedeeyay...

Wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Maleysia ayaa sheegtay inay si dhow ula socota xarigga iyo hannaanka sharciga ah ee loo maray nin u dhashay Malaysia oo la sheegay inuu Soomaaliya u soo galay si uu uga qeybqaato howlaha ay wadaan Al-Shabaab, kaas oo Maxkamadda Ciidamada  Qalabka sida ay dhageysiga dacwadiisa billowday. Wasiirka Arrimaha dibadda Maleysia Datuk Saifuddin...

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Soomaaliya ka dhageystay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud. Xubnaha Golaha Amaanku waxay walaac xooggan ka muujiyeen khilaafka socda ee ka dhex taagan Dowladda Soomaaliya iyo saameeynta taban ee uu ku yeelan karo jadwalka geedi-socodka doorashada. Waxay ku boorriyeen dhammaan saamilleyda inay isxakameeyaan,...

Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay qaraxyo la beegsadeen Garoonka diyaaradaha degmada, halkaas oo bilihii la soo dhaafay uu ka socday dhismo xoogan. Qaraxyada oo isugu jiray Bambooyinka Gacanta laga tuuro iyo miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in uu saameyn weyn...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka tiirka dhaqaalaha ayaa  Xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranku ku soo bandhigay xogta dhaqangalka mashaariicda horumarineed ee dalka,halka Wasaaradda qorsheyntuna soo jeedisay nidaamka keydinta mashariicda ee AIMS. Kulankaan ayaa waxa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo...

Wasaaradda Arrimaha Guddaha Galmudug iyo odayaasha dhaqanka oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa ku baaqey joojinta xiisad colaadeed oo u dhexeeysa beelo walaalo ah oo kasoo cusboonaadey deegaanka Xananbuure ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Odayaasha dhaqanka ee Dhuusamareeb ku sugan ayaa dalbadey in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadan oo saakay ka aloosantay...

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International oo daba socotay war kasoo baxay Mareykanka oo uu ku qirtay in dad rayid ah uu ku dilay duqeyn uu ka geystay Magaalada Kabul 29-kii August 2021 ayaa dalbatay in la baaro duqeymo kale oo ka dhacay Dalalka Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq & Afgaanistaan. Brain Castner oo katirsan Waaxda Baarista Dambiyada Dagaalka ee Hay’adda...

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay soo afjaraan khilaafka siyaasadeed ee maalmihii dambe ciirka isku sii shareerayay. Midowga Yurub ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen ku sheegay in loo baahanyahay in geedi socodka doorashada aan la hakinin oo lagu wado si nabadgelyo leh, iyadoo la raacayo jadwalkii...