Xiisadda u dhexeysa Faransiiska, Australia, Mareykanka & Britain oo xoogeysatay

by admin | Monday, Sep 20, 2021 | 233 views

Kulan loo balansanaa in uu dhex maro wasiirada gaashaandhiga ee Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa la baajiyay iyada oo uu sii socdo khilaafka diblomaasiyadeed ee ku saabsan heshiis cusub oo dhanka amniga ah oo dhex maray Maraykanka, Australia iyo Britain.

Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Macron iyo Biden ay ka wada hadli doonaan arrinta maalmaha soo socda ka dib markii uu Mareykanka codsaday inay qadka teleefoonka ku wada hadleen.

Dowladda Faransiiska ayaa shalay mar kale waddamada Australia, Mareykanka iyo Britain ku eedeysay khiyaano kaddib markii waddamadaasi ay galeen heshiis cusub oo dhanka amniga ah isla markaana ay meesha ka saareen heshiis balaayiin doolar ku kacayay oo u dhaxeeyay Faransiiska iyo Australia.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Australia, Barnaby Joyce, ayaa BBC -da u sheegay in uu ka xun yahay in Faransiiska uu dareemay inuu dhaawac ka soo gaaray heshiiska.

Labadani waddan ee Faransiiska iyo Australia ayaa horey ugu heshiiyay in Australia ay gujis ka iibsato Faransiiska balse heshiiska cusub ee ay haatan la gashay waddamada Mareykanka iyo Britain ayaa heshiiskaasi meesha ka saaraya, waxaana baddalkiisa waddamadani ay u ballanqaadeen in ay siiyaan gujis xambaaraya hubka niyuukleerka.

Like it? Share it!

Leave A Response