Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Xananbuure oo Maanta la kala qaadayo

by admin | Monday, Sep 20, 2021 | 345 views

Waxaa weli dadaalo xoogan ay ka socdaan degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduue, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo Beeleed.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo u dirtay degaanka Xananbuure si dagaalka loo joojiyo, balse mid kamid ah dhinacyada dagaalamaya ayaa u diiday in ay Ciidamada galaan degaanka, iyaga oo rasaas huwiyay.

Odayaasha Dhaqanka degaanka Xananbuure iyo kuwa Magaalada Cadaado oo kaashanaya mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa la filayaa inay Maanta kala qaadaan, iyada oo amniga degaanka lagu wareejin doono Ciidamo ka tirsan dowladda.

Xaalada degaanka Xananbuure ayaa Maanta degan, waxaana dadka degaanka ay sheegayaan inay socdaan dadaalo xal looga gaarayo dagaalka

Like it? Share it!

Leave A Response